
Puntland ayaa sheegtay in ay magaalada Boosaas soo gaareen qaxootigii ugu horreeyay ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.
Qaxootigan oo tiradooda lagu sheegay 51 qof ayaa la xusay in ay isugu jiraan muwaadiniin Yemeniyiin ah iyo Soomaali qaxooti ku ahayd dalka Yemen, kuwaas oo ka soo cararay colaadaha ka socda dalkaas.
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa qaabishay dadkan oo ka soo degay dekedda Boosaaso, waxaana loo qaaday xarunta qaabilaadda ee wasaaradu ay ku leedahay Boosaaso, halkaas oo la tilmaamay in lagu diiwaangelinayo laguna caawinayo.
Puntland waxay sheegtay in ay marwalba diyaar u tahay soo dhaweynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya iyo sido kale qaxootiga Yemeniyiinta ee ka soo cararaya colaadaha dalka Yemen.







PUNTLAND POST