
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, oo ah ku-simaha madaxa safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca, taageerada Maraykanka ee ciidanka xoogga dalka iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka iyo tayeynta awoodda ciidamada.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga milatari iyo horumarinta awoodda ciidanka xoogga dalka, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
PUNTLAND POST