
Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta la kulmay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo xildhibaan Aadan Saransoor, kaas oo hadda ka agdhow Dowladda Federaalka.
Saacid ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxaladda uu marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo muhiimadda ay leedahay in la helo aragti qaran oo mideysan oo lagu wajaho caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dowladnimo ee dalka horyaalla.
Saacid ayaa hadal qoraal oo uu soo saaray ku yiri “waxaa hadhimo-sharafeed gurigiisa noogu sameeyey Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa sidoo kale goob-joog ahaa xildhibaan Aadan Saransoor”.
“Kulankeenna waxaan isku weydaarsannay aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxaladda uu marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo muhiimadda ay leedahay in la helo aragti qaran oo mideysan oo lagu wajaho caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dowladnimo ee dalkeenna horyaalla” ayuu raaciyay.
Kulankan wuxuu ku soo aaday, xilli uu jiro madmadow soo kala dhexgalay xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.
Mursal wuxuu ka mid ahaa garabkii hore uga baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska laga gaaray Dowladda Federaalka, hadana waxay isaga Aadan Saransoor isku siyaasad yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed Aadan Madoobe.
PUNTLAND POST