
Ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta la wareegay degmada Bardaale ee gobolka Bay, xilli uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaas.
Waa degmadii seddexaad oo ka tirsan gobolka Bay oo ay maalmo gudahood la wareegaan ciidamada taabacsan Laftgareen kadib degmooyinka Qansaxdheere iyo Buurkahaba.
Sidoo kale ciidamada Laftagareen waxay maanta la wareegeen deegaanka Owdiinle oo qiyaastii 30 km dhanka galbeed kaga beegan Baydhabo, islamarkaana ah deegaanka muhiim ah oo ay marto waddada isku xirta Baydhabo iyo Luuq.
Aadan Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wajahaya culeys siyaasadeed iyo mid amniga oo xilligan ka taagan deegaannada maamulka Koofur Galbeed.
Cabdicasiis Laftagareen oo 30 Maarso, 2026 xoog looga saaray magaalada Baydhabo ayaa weli sheegta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cunaqabateyn maaliyadeed saartay Cabdicasiis Laftagareen, taliyihii hore ee asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) iyo xubno kale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ku eedeysay maalgelin iyo taageero Al-shabaab.
PUNTLAND POST