Xiisad ka taagan magaalada Qardho

Ilaa hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana waa ku dhaawacmeen magaalada Qardho, kaddib markii ay israsaaseyn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo koox hubaysan.

Dhacdadan ayaa sababay xaalad ka kacsanaan ah oo ka jirta magaalada, iyada oo qaybo ka mid ah Qardho uu ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo dhacdadan.

Dowladda ayaa ciidamo dheeraad u dirtay magaalada Qardho, kuwaas oo ka tagay magaalada Goroowe.

Mas’uuliyiinta Qardho ayaa weli ka hadlin dhacdada sababtay dhimashada iyo dhaawaca, waxaana mas’uuliyiin aan arrintan wax ka weydiinay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

PUNTLAND POST