
Ilaa saddex qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad toban kalana waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad iyo rabshado maanta galinkii dambe ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Dadka dhintay ayaa labo ka mid ah oo mid haween tahay yihiin shacab, halka ruuxa kale uu yahay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland, sida ay ogaatay Puntland Post.
Dadka dhaawacmay oo gaaraya siddeed qof oo shacab u badan ayaa xaaladooda caafimaad lagu tacaalayaa isbitaalka guud ee magaalada Qardho, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Dowladda Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay magaalada Qardho oo xaaladeedu kacsan tahay, kuwaas oo ka baxay magaalada Garoowe.
Mas’uuliyiinta Qardho ayaa weli ka hadlin dhacdada sababtay dhimashada iyo dhaawaca, waxaana mas’uuliyiin aan arrintan wax ka weydiinay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.
PUNTLAND POST