Jadwalka doorashooyinka lagu muransan yahay oo la shaaciyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashooyinka lagu muransan yahay ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo tan madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha ayaa la sheegay in ay dhaceyso 15-ka May 2027, halka tan Labada aqal la tilmaamay in ay dhacayso 15- April 2027, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga lagu muran yahay ee doorashooyinka.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli Puntland. Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka diideen hanaanka doorasho ee ay waddo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST