
Wararka ka imanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in magaaladaas ay saaka gudaha u galeen ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Ciidamada Laftagareen ayaa inta aysan gudaha u gelin magaalada waxaa dagaal culus la galeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe oo hore ugu sugnaa degmada Buurhakaba.
Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa sidaan oo kale maalmo ka hor gudaha u galay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, waxayna ka dhigan tahay in Aadan Madoobe uu wajahayo culeys siyaasadeed iyo mid amniga oo xilligan ka taagan deegaannada maamulka Koofur Galbeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor cunaqabateyn maaliyadeed saartay Cabdicasiis Laftagareen, taliyihii hore ee asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) iyo xubno kale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ku eedeysay maalgelin iyo taageero Al-shabaab.
Cabdicasiis Laftagareen oo 30 Maarso, 2026 xoog looga saaray magaalada Baydhabo ayaa weli sheegta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
PUNTLAND POST