Khilaaf ka dhex taagan duqa Gaalkacyo iyo guddoomiyaha Mudug

Khilaaf ayaa ka dhex taagan duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiweli Jibriil Bayle, kaas oo ka dhashay shaqo joojin uu guddoomiyaha gobolka ku sameeyay shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Bayaan, taas oo dowladda hoose u xilsaartay ururinta dakhliga canshuuraha degmada.

Duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa diiday go’aanka shaqo joojinta ee guddoomiyaha gobolka, isaga oo shirkadda Bayaan faray in ay sii wadato shaqadeeda.

Duqa degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in dastuurka Puntland iyo xeerarka dowladaha hoose ay degmada siinayaan awood ay ku geli karto heshiisyo la xiriira horumarinta iyo danaha bulshada, isaga oo ku dooday in heshiiska ay la galeen shirkadda Bayaan uu yahay sharci.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa heshiiska ay dowladda hoose la gashay shirkadda Bayaan ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana ay cabasho ka keeneen bulshada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST