
Saraakiisha hay’adda socdaalka dowladda Maraykanka ayaa maanta oo isniin ah baaritaan ku sameeyay guriga xildhibaan Ilhaan Cumar oo oo Koongareeska dalkaas ka soo gasha Minnesota.
Wakiillada baarista amniga gudaha Maraykanka ayaa sheegay in ay fuliyeen amar baaritaan oo sharcigu u fasaxay, kaas oo qayb ka ah baaritaan dambiyeed heer federaal ah oo socda.
Dhanka kale xildhibaan Ilhaan Cumar oo hadal qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in ay nabad qabto, iyada oo baaritaanka lagu sameeyay gurigeeda ku tilmaantay cabsi gelin siyaasadeed oo Trump ku adeegsanayo hay’adaha sharci-fulinta ee heer federaal.
Ilhaan oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa qoyskeeda markii hore yimid Maraykanka, iyaga oo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horeysay oo xildhibaan ka noqoto Koongareeska, iyada oo xiran xijaab.
Khilaafka u dhaxeeya xildhibaan Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo xileedkiisii hore.
PUNTLAND POST