Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa maanta ku dhawaaqay shir lagu nabadeynayo beelaha colaaddu ku dhexmartay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada Badhan.
Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa sheegay in gogosha shirka la dhigay magaalada Badhan, islamarkaana nabadeyntaas ay galayaan isimada dhaqanka beesha Daarood.
Sidoo kale suldaan Siciid wuxuu sheegay in shirka nabadeynta oo ay labada beelood aqbashay la qaban doono 45 cisho kadib.
Suldaan Siciid ayaa ugu baaqay dowladda Puntland in ay kaalinteeda ka qaadato qabsoomida shirka, gaar ahaan dhanka ammaanka oo uu sheegay in uu xoojin u baahan yahay.
PUNTLAND POST