Dowladda Yemen oo guulo ka sheegatay dagaalka ka socda Tacis

Ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ay sheegay in ay horumar ka sameeyeen dagaalka ka socda gobolka Tacis oo ku yaalla koonfur-galbeed dalkaas.

Waxay sheegeen in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Mokha iyo fariisimo ku dhow marinka Baabul-Mandab oo bishii hore ay la wareegeen ururka Xuutiyiinta.

Horumarradan ayaa yimid kadib markii dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay billowday howlgal militari oo loogu magac daray “Waqtiga Soobixitaanka Qorraxda Yemen”.

In ka badan 100 diyaaradood oo leeyihiin xulafada Sacuudiga ayaa ka qaybqaatay howlgalka cusub, kuwaas oo duqeymo xooggan ka gaystay goobaha ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahano Xuutiyiin ah lagu dilay howlgalka cusub.

PUNTLAND POST