Abiy Axmed oo markale loo dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Baarlamaanka Itoobiya ayaa shalay Abiy Axmed u dhaariyay in uu bilaabo muddo xileedkiisa labaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Dib u doorashada Abiy Axmed waxay timid kadib markii xisbiga talada dalkaas haya ee Barwaaqo uu ku guuleystay doorashadii bishii Juun ee sanadkan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay xukunka yimid 2018, waxaana hadda u bilaabatay muddo xileed cusub oo dhan shan sano.

Dhanka kale Axmed Shide oo hore u ahaa wasiirka maaliyadda ayaa noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya, taas oo ka dhigan in Soomaalidu ay hoggaaminayaan awoodda labaad ee dalkaas.

PUNTLAND POST