
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaran iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa goobjoog ka noqday heshiis ay wada gaareen beelaha degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan qaatay.
Xaflad balaaran oo ay ka qeybgaleen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada, goobjoogna ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamse, Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah ayay labada ugaas ee beelaha, ee kala ah Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas Xasan meel fagaaro ah ku saxiixeen heshiis 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay madasha ayaa yiri “gogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka go’antahay in ay si dhab u heshiiyaan, haddii cid ku xad-gudubto heahiiskana waxaad ku heshiiseen in aad ku xallisaan Shareecada Islaamka”. Waxa uu intaasi ku daray in sida heshiiska ku cad qofkii qof kale dillo in lagu fuliyo qisaas.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadalkiisa sii watay ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiska la gaaray, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu horseedi doono nabad waarta, horumar dhaqaale iyo in shacabka si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda maadaamaa ay colaaddii dhammaatay.
PUNTLAND POST