
Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Osman Lugatoor ayaa shalay Garoowe kula kulmay wafdi ka socda dowladda Indonesia oo uu hoggaaminayay safiirka Indonesia ee Soomaaliya Witjaksono Adji.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga Puntland iyo Indonesia, iyadoo dowladda Indonesia ay Puntland ugu hambalyeeysay howlgallada lagu soo afjaray Burcadbadeedda, waxaana safiirka Indonesia uu si gaar ah uga mahadceliyay muwadiniin Indonesia u dhashay oo lagu soo furtay howlgalladii Burcadbadeedda iyo sida wanaagsan ee loola dhaqmay dadkaasi markii la soo badbaadiyay.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa soo dhaweeyay safiirka Indonesia ugana mahadceliyay booqashadiisa, isagoo la wadaagay dowladda Indonesia in Puntland ay ka go’antahay la dagaalanka Burcadbadeedda, illaalinta amniga badaheeda iyo ciribtirka argagixisada.
PUNTLAND POST