
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul).
Shaqo joojinta taliye Fardafuul ayaa timid kaddib markii ay baxsadeen maxaabiis Burcad-badeedda ah oo uu ka soo qaaday Garacad, kuwaas oo lagu soo qabtay markabkii SIBU 1.
Xilka taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ayaa hadda waxaa siihaya ku-xigeenkiisa Ayuub Siciid Cali Dheeg.
Maxaabiista Burcad-badeedda waxay baxsadeen 26-kii bishii hore ee Sebteembar, iyada oo dhacdadaas uu ku dhintay mid ka mid ahaa Burcad-badeedda, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Puntland ayaa hadda gacanta ku haysa maxaabiis Burcad-badeedda ah oo gaaraysa 30, kuwaas oo lagu qabtay maraakiibtii la furtay ee Honour 25 iyo SIBU 1.
PUNTLAND POST