
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa G/le Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Baalcade u magacowday Taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, sida uu xaqiijiyay maamulka Waqooyi Bari.
Cabdiraxmaan Baalcade oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa noqonaya taliyihii ugu horeeyay ee loo magacaabo Taliska Qaybta 26-aad tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Baalcade oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ciidamadii lagu tababaray dalka Eleteriya, xilligii dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Taliska Qaybta 26-aad ayaa xilligii dowladdii dhexe xaruntiisu ku taalay magaalada Hargeysa, balse hadda wuxuu ku shaqaynayaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooy Bari.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishan Oktoobar mushaar siisay ciidan gaaraya 2,000 oo ku sugan deegaannada maamulka Waqooyi Bari.

PUNTLAND POST