
Wararka laga helayo deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay nin u dhashay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Cabdalle Maki, kaas oo la tilmaamay in uu lahaa mid ka mid ah shirkadaha dahabka ka qoda deegaankaas.
Marxuumka waxaa la sheegay in uu toogtay nin u shaqaynayay, waxaana uu markii dambe u geeriyooday dhaawac halis ah oo soo gaaray, xilli loo soo waday magaalada Boosaaso.
Dadka Milxo ayaa sheegay in Cabdalle Maki uu muddo dheer ka shaqaysanayay deegaanka, islamarkaana khibrad badan oo dahab qodista ah laga faa’iiday.
Deegaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa ah halka ugu weyn gobolkaas ee laga qodo dahabka iyo noocyada kala duwan ee macdanta.
PUNTLAND POST