Danjire Salaad Cali Jeelle Wuu Ka Runsheegay Mowqifkii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf wuu yaabi lahaa hadii uu arki lahaa siyaasi ay hoos isu sii xigaan beel ahaan oo Itoobiya taageeraya ama ku doodaya “laguma heshiinin in Muqdisho tahay caasimad”

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu ogaa halista ku tiirsanaanta Itoobiya ay u yeelan karto hoggaamiye Soomaaliyeed.

Garoowe (Faallo PP) — Danjire Salaad Cali Jeele, oo mar ahaa Wasiir Ku Xigeenkii Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka, iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxay ahaayeen saaxibbo. Waxay wadaageen tilmaammo aan lagu aqoonin siyaasiyiinta Soomaalida badankood. Labadooduba sida ay wax u arkaan ama sida wax uu yahay inay sheegaan bay caan ku ahaayeen.

Markii Cabdullaahi Yuusuf qoray buugga Halgan iyo Hagardaamo, waxay taageerayaashisii badankood ku adeeyeen inuu sheegay in Itoobiyaanku u arkeen kooxihii iska caabbinta (Muqaawamada) inay yihiin kuwa dalka leh. Salaad Cali Jeelle waxay dad badan ku eedeyanayaan inuu dusha saartay eedda keenista ciidammada Itoobiya sanadkii 2006, markii ciidammadii ururkii Midowgii Maxkamaduhu soo weerareen Baydhabo.

Waraysiga Salaad Cali Jeelle bixiyay waa kan ugu saamaynta badan faallaynta siyaasadda Soomaaliya tan iyo intii Geed-fadhi bilaabeen waraysiyada lala yeesho siyaasiyiin Soomaaliyeed. Salaad wuxuu si cad uga sheekeeyey dilkii Cabdulqaadir Koosaar 1987kii oo lagu dilay Mustaaxiil. Koosaar wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ururkii Somali National Movement (SNM). Hore Cabdi Nuurre Siyaad ayaa uga sheegay in Koosaar eersaday hadallo meel ka dhac ah oo u geystay beesha Hawiye oo uu ku tilmaamay dad la addoonsdo. Laakiin, xubnihii beesha Hawiye u dhashay oo muddo kooban ka tirsanaa ururkii SNM way ogaadeen in xubnaha SNM ee beesha Isaaq hadalka si aan ka fiirsi lahayn uga soo dhaco.

Ururkii Somali Salvation Democratic Front (SSDF) xubnaha ka tirsanaa way ogaayeen awoodda dhuleed iyo ciidan ay si dabiici  beesha Hawiye u leeyihiin iyo inay, haddii ay go’aansadaan, samayn karaan urur mucaarad ah oo hubeysan oo aan oday-la-yaal u ahayn SNM ama SSDF. Arrintaas waxaa ka miradhaliyay rag ay ugu cadcaddaayeen Xuseen Xaaji Bood iyo Cali Wardhiigley.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu hoggaaminyay ururkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo jebiyay qabqablayaashii uu Maraykanku maalgelinayay si ay u sii socoto xasiloonidarrayntii Muqdisho 20 sano ka hor.

Salaad Cali Jeelle wuxuu ka soo mid noqday ururradii SSDF iyo SNM. Xubnihii SSDF ka tirsanaa sida Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac, Daahir Mire Jibriil iyo Cabdisalaan Salwe waxay ku doodaan in SSDF ahayd jabhad xubnaheedu ka soo kala jeedeen beelo kala duwan. Guddoomiyanimadii Cumar Istarliin ee SSDF ayay tusaale ahaan u soo qaataan marka ay difaacayaan dooddan. Shirarka SSDF badankood lama furi jirin haddii madaxdhaqameedka ugu sarreeya beesha Cabdullaahi Yuusuf uusan goobjoog ahayn. Salaad Cali Jeelle way u caddaatay in SSDF iyo SNM ay ahaayeen ururro hubaysan oo aragti labo beelood ku kala salaysnaa. Waa sababta keentay in ururkii United Somali Congress (USC) lagu asaasay Rooma billowgii 1989kii.

Sida Cabdullaahi U Macnaystay Burburkii SSDF iyo Soo Bixistii USC

Aragtida ku saabsan qiimeynta awoodda beesha Hawiye xitaa waxay ahayd mid uu aad wax uga dheefay Madaxaweyne Cabdullaahi Yuusuf markii uu ahaa Guddoomiyaha Xaaladda Degdegga ah ee ururkii SSDF sanadkii 1993kii markaas oo uu heshiis nabadeed oo  taariikhi ah la saxiixday Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid (guddoomiyihii ururkii Somali National Alliance (SNA), heshiiskaas oo markii dambe noqday mid uu Madaxweynihii maamulka Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal si toos ah u cuskaday markii uu abaabulay shirkii heshiiskii Ceerigaabo oo dhacay sanadkii 1995kii.

Cabdulqaadir Koosaar ma fahansanyn awoodda siyaasadeed iyo dhuleed ee beesha Hawiye markii uu isku dayay in SNM ka hawlgasho dhul Isaaqu uusan degin sida Mustaxiil.

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu u fasirtay burburkii ururkii SSDF tusaale ku saabsan in ajende beel u gaar ah aan lagu maamuli karin ama Soomaaliya lagaga saari karin burburka dowladnimada kaddib 1991kii. Wuxuu heshiiskii Gaalkacyo kala kulmay weerar sumcadeed oo joogto ahaa. Dadkii ay SSDF ka wada tirsanaayeen, oo markii dambe ku wareegsanaa Maxamed Abshir Muuse (hoggaamiyihii SSDF kaddib 1991kii), waxay ku eedeeyeen Cabdullaahi Yuusuf  “inuu Hawiye la heshiiyay; inuu u tanaasulay Janeraal Caydiid.” Mar kuwo kooxahaasi soo dirsadeen ay Cabdullaahi Yuusuf eedeyntaas u soo jeediyeen, wuxuu u sheegay in dadka ku baaqa inay colaad sii socoto ay yihiin dadka aan rag iyo maal midna ku deeqin marka colaad qaraxdo ama inta ay socoto. Wuxuu kale oo Cabdullaahi Yuusuf aamminsanaa in siyaasiyiinta Beesha Daarood ahaayeen kuwa awoodda Soomaalida ka dhexeysa u adeegsaday in lagu laayo dad Daarood ah. Labada tusaale la soo qaato, oo kala daran, waa sidii maamulkii Cabdirashiid Cali Sharmaarke ciidanka Xoogga Dalka ugu adeegsaday beelo daga Bari oo diiday in kuraastooda lagu boobo magaca xisbigii SYL. Tusaalaha kale waa: xasuuqii iyo barakicintii ciidanka Xoogga Dalka ka geystay gobollada lagu eedeeynayay in taageerayaasha SSDF ay beel ahaan ku badan yihiin. Dhanka kale, sida ururkii SSDF u dhaqmayay waxaa laga fahmi karaa gabayadii Khaliif Sheekh Maxamuud gaar ahaan kuwii uu ku bannaynayay in diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya weerari karaan Caabudwaaq: “Mar uun baa rag wada miiggan miiddi soo bixiye, mar uun baa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine…”  Xasuuqii Axmed Cumar Jees 1992 ka geystay Kismaayo markuu ahaa hogaamiyaha ururkii SPM, lama illoobi karo.

Waxa Cabdullaahi Yuusuf Kaga Duwanaa Jeneraal Caydiid Siyaasad Ahaan

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ahaa hoggaamiye ka soo qeybgalay Dagaalkii Qaboobaa soona arkay xasuuqa Itoobiyaanku u geysteen ciidammadii SSDF, halka Jeneraal Caydiid raadinayay wax uu u arkayay sarreynta ururkii USC oo uu ku saleeyay wax uu ku tilmaamay himilooyinka beesha Hawiye inkastoo uu xitaa Abgaal ka barakiciyay Koonfurta Muqdisho, kuna tilmaamay SSDF urur ka tirsanaa haraaga Siyaad Barre.  

Way u caddaatay Danjire Salaad Cali Jeelle iyo SSDF iyo SNM ahaayeen jabhado aragti beeleed ku salaysan, sidaas darteedna aan oday-la-yaal loo siin ahaan karin.

Kaddib 1991kii, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ka fogaaday in loo arko hoggaamiye raadinaya wax hor imanaya dhowrista midnimada Soomaaliya. Wuxuu doonayay in Puntland jiheyso dib u soo kabashada Soomaaliya.  Xaflado ayaa Muqdihso lagu qabtay sanadkii 1998kii kaddib asaaskii Puntland khudbadii taageerista midnimada Soomaaliya oo uu jeediyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf awgeed, taas oo meesha ka saartay doodda sharcidarrada ah ee goosasho-doonka oo ay ahayd inay weli soohdimihihii gumeystayaashu kala dhex dhigeen Soomaalida jiraan xitaa kaddib dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii. Muu diiddanayn in Soomaaliya leedahay Madaxweyne kaddib shirkii Carta inkastoo uu siyaasad ahaan ka soo horjeeday dowladdii Jabuuti lagu soo dhisay. Waxaa xusid mudan in wargeyska ugu faca weyn Puntland, Kaaha Bari, uu si cad u taageeray dib u yagleelistii dowladnimada Soomaaliya sanadkii 2000.

Kaddib Oktoobar 2004, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  Axmed wuxuu u ololeeyay kuna guuleystay in ka badan 40% dakhliga Puntland soo gala lagu maalgeliyo dowladda ku meelgaarka oo xilligaas uusan wax dakhli ah soo geli jirin, sidoo kalena aan deeq ka heli jirin deeq-bixiyayaaha. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu yaabi lahaa hadii uu arki lahaa siyaasi ay hoos isu sii xigaan beel ahaan oo Itoobiya taageeraya ama ku doodaya “laguma heshiinin in Muqdisho tahay caasimad” ama Puntland oo xaqeeda ka doonan la’ Dowladda Federaalka Soomaaliya ama kooxo Puntland ka tirsan oo jilaya filin goosasho-doon ah iyagoo u malaynaya inay sidaas ku luxluxan karaan Muqdisho.

Ururkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo Cabdullaahi Yuusuf

Jeneraal Caydiid wuxuu awoodda USC u arkayay mid uu dalka oo dhan ku qabsan karo inkastoo ay ahayd jabhad hal beel ku tiirsanayd.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf dhakafaar ayay ku noqotay in Maraykanku taageerayay qabqablayaal Muqdisho xasiloonidarro ka waday halka uusan wax taageero ah siinaynin dowladii ku meelgaarka oo Baydhabo ku shaqaynaysay. Xildhibaanno taageerayay ururkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa soo sheegayay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf qirsanaa waxqabadka ururka doonayayna inuu la heshsiiyo. Aragtidaas way isku maandhaafeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo aragti kale qabay.

Jaamac Maxamed Qaalib, oo kala talin jiray ururkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga macnaysashada siraha siyaasadda laga soo diri jiray Baydhabo, ayaa ku dooday in Itoobiyaanku doonayeen inay dilaan Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf si Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu awoodda ula wareego. Waa markii uu Madaxweyne Cabdullaahi ka badbaaday isku daygii dilka ku salaysanaa qarax ismiidaamin ahaa ka dhacay Baydhabo 20 sano ka hor. Qaalib wuxuu ku dooday in “Cabdullaahi uusan ahayn qof si fudud loo maamulan karo [“ Abdullahi is not easily manipulateable animal.”]” oo waxay Itoobiyaanku u yaqaannaan qof dabacsanaan-yar, oo shan sano ka badan u xirnaa Mengistu Haile Mariam ka hor bishii Maajo 1991kii, markaas oo laga soo daayay xabsigii Alambaqa.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu ogaa in ciidammada Itoobiyaanku aysan u babac-dhigi karin iska caabbin abaabulan iyo in dowladda ku meelgaarku aysan lahayn awood ay iskaga difaaci karto weerarrada Ururkukii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga oo lix bilood ka yar ku qabsaday Koonfurta Soomaaliya badankeed.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi wuxuu amminsanaa inay ahayd in marka hore ururka Midowga Maxkamadaha Islaamigu taageeraan sharciyadda Dowladda Ku Meel Gaarka Ahayd (TFG).

Markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iscasilay Diseembar 2008, xiriirka u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuu sii xoogeystay. Way wada hadli jireen.

Waraysiga Salaad Cali Jeelle waa tixraac siyaasadeed ku saabsan siyaasadda Soomaaliya dhexdeeda 45kii sano ugu dambeeyay. Dad badani markay arkeen sida Salaad Cali Jeelle u xogwarramay una garnaqsaday waxay soo xusuusteen jawaabtii Qamaan Bulxan siiyay Cali Aadan Goray (Cali Dhuux):

  • “Caliyoow dabuubtaada gabay daa’inkaa wadaye
  • Dabaylaha xagaagee dafliyo daafigaa sidaye
  • Noo dooji dooggiyo sidii dararta xolaaye
  • Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daaweyne
  • Dadkana uma sinnee reer tolkay dacar ku nooleeye
  • Anna waan ku diirsaday Ilaah derajo siiyoowye
  • Daaraan garbaha qoon ku laad (“ku leh baad”)  damaqday Dhuuxoowe
  • Dibirrooti buu dhacay raggaad daabaqadayseene
  •  Waa gobol dillaacid iyo ciil dibinta ruugaaya
  • Iyo gobol runduda oo fadhiya dagada weeyaane
  • Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna waan odhane

Salaad Cali Jeelle waa siyaasiga keliya oo si hore aan loo arkin uga hadlay sida ururkii USC u soo dhoweystay rag taliskii kacaanka ka tirsanaa halka dad aan waxba galabsanin dil, boob iyo barakicin loogu geystay Muqdisho haybta ay la wadaageen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre awgeed. Waa geesinimo Salaad Cali Jeelle lagaga dayan karo marka laga hadlayo siyaasadda Soomaaliya 45kii sano ugu dambeeyay.

© Puntland Post, 2026