Markab shidaal oo la weeraray

Markab shidaal ayaa saaka lala beegsaday gantaal ama walax aan la aqoonsan, kaas oo marayay meel qiyaastii 4 mayl badeed dhanka bari kaga beegan dalka Cumaan, sida ay sheegtay hay’adda howlgallada ganacsiga badda ee UK (UKMTO).

Hay’adda UKMTO waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka la soo sheegay in ay badqabaan, islamarkaana aanay xilligan jirin wax war ah oo sheegaya waxyeello deegaanka soo gaartay.

Hay’addu waxay hore u sheegtay in jimcihii markab shidaal uu gantaal ku dhacay, isaga oo ka sii baxayay marin-biyoodka Hormuz, taas oo sababtay dab yar iyo koronto ka go’day markabka.

PUNTLAND POST