
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay danjireyaasha cusub ee Turkiga Ferhat Alkan iyo Midowga Yurub Laszlo Mathe, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabaya shaqadooda diblomaasiyadeed.
Safiirada cusub ee Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa yimid, xilli xasaasiya oo ay Soomaaliya ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Puntland, Jubaland, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Turkiga ku eedeeya in uusan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana uu la safan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Turkiga waxaa lagu eedeeyay in diyaaradiisa F-16 ay duqeeyeen dad rayid ah iyo taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub).
PUNTLAND POST