
Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo dowladda federaalka u wadato madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Burcad-badeedda ka soo qaxay Puntland aysan ku badbaadayn deegaannada Galmudug.
Wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay hay’adaha amniga Galmudug ka howlgeli doonaan Burcad-badeedda ka soo cararay xeebaha Puntland.
“Burcadbadeedda ka soo qaxay Puntland ku badbaadimayaan Galmudug, hay’adaha amnigana tallaabay ka qaadayaan saacadaha soo socda” ayaa yiri Liibaan Shuluq.
Markabka MV Asana oo ah kan keliya ee hadda gacantooda ku jira Burcad-badeedda Soomaalida ayaa hadda ku sugan xeebaha degmada Hobyo ee Galmudug, kaas oo todobaadkii hore ka tagay xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland.
Puntland ayaa todobaadkii hore bilowday howlgal ka dhan kooxaha Burcad-badeedda, iyada oo furatay labo markab, halka mid kale ay Burcad-badeedda caarisiisay oo ka carartay shaqaalihii oo badqaba.
PUNTLAND POST