
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Maraaykanka
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab.
Intii ay socotay munaasabadda xiritaanka tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhoollatusyo iyo bandhigyo milatari, kuwaas oo muujinayay heerka tababarka, diyaar-garowga iyo awoodda hawlgal ee ay gaareen.

Ra’iisul Wasaare ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan tababarka iyo natiijooyinkii laga gaaray, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ay ciidamada ka kororsadeen muddadii uu tababarku socday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ayna ilaaliyaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST