Dagaal ka socda magaalada Baydhabo

Dagaal xoogan oo bilowday saaka hiirtii hore ayaa ka socda qaybo ka mid ah Baydhabo iyo hareeraheeda, kaddib markii ay magaaladaas weerar ku soo qaadeen ciidan daacad u ah maamulkii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Hubka noocyadiisa kala duwan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay isu adeegsanayaan ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen iyo ciidamo is garabsanaya oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe.

Wararku waxay sheegayaan in khasaare badan kala gaaray labada dhinac balse weli xog sugan lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka.

Dhowr dagaal oo noocaan ah ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo tan iyo intii meesha laga saaray maamulkii Laftagareen, kuwaas oo sababay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

PUNTLAND POST