Garoowe: Lugatoor oo la kulmay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayo madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hideki Matsnaga.

Kulanka ayaa looga hadlay dhameystirka mashaariicda World Bank ka wado Puntland iyo dardargelinta qorsheyaasha cusub, iyadoo lagu saleynayo qorshaha 5-ta sano ee horumarinta Puntland”.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Garoowe waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo agaasimaha guud madaxtooyada.

PUNTLAND POST