Xiisad ka taagan degmada Caluula

Xiisad ayaa ka taagan degmada Caluula ee xarunta gobolka Raascasayr, taas oo la xiriirta iska hor-imaad maanta ka dhacay halkaas oo sababay dhimashada halka qof iyo dhaawaca mid kale.

Iska hor-imaadka waxaa ku dhintay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cumar Cali Muumin, kaas oo ahaa darawalka guddoomiyaha degmada Caluula.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhashay kaddib markii 11 xubnood oo ka mid ah golaha deegaanka ay sheegeen in ay xilka qaadeen guddoomiyaha degmada Caluula Axmed Maxamed Xasan (Xamari).

Golaha deegaanka degmada Caluula ayaa ka kooban 33 xubnood oo doorasho qof iyo cod lagu soo doortay sanadkii 2023.

PUNTLAND POST