
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in howlgalkii shalay lagu furtay markabka SIBU 1 ay wada fuliyeen ciidan ay keentay shirkadda leh markabka iyo ciidamada PMPF ee Puntland.
Howlgalka ayaa lagu fuliyay labo markab oo qoryo saaran yihiin, kuwaas oo ay keentay shirkadda leh markab oo lagu sheegay shirkad uu leeyahay nin Ciraaqi ah.
Muuqaallo iyo sawirro la baayiyay ayaa muujinaya rag hubaysan oo carab ah iyo ciidamo Soomaali ah oo wada fuliya howlgalka lagu furtay markabka SIBU 1.
Puntland waxay hore u sheegtay in ay keligeed fulisay howlgalka oo ay qabatay 46 Burcad-badeed ah, islamarkaana ay dishay hal nin oo ka mid ahaa kooxda haysatay markabka.
Puntland ayaa saaka dekedda Garacad keentay maxaabiistii lagu qabtay howlgalka, kuwaas oo uu la wareegay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Col. Maxamuud Muuse Bile Fardafuul.
PUNTLAND POST