Puntland: Maxaabiistii Burcad-badeedda oo baxsatay

Ku dhawaad 20 maxbuus oo ka mid ah Burcad-badeeddii lagu qabtay markabka SIBU 1 ayaa caawa ka baxsaday gacanta Puntland.

Sidoo kale mid ka mid ah maxaabiista Burcad-badeedda ayaa dhintay, mid kalana waa dhaawacmay, xilliga ay baxsanayeen maxaabiista.

Maxaabiista oo laga soo qaaday Garacad ayaa loo soo waday Garoowe, waxayna ku baxsadeen deegaan lagu magacaabo Shakaal oo ka tirsan degmada Jariiban, islamarkaana u dhow xadka gobollada Nugaal iyo Mudug.

Maxaabiista baxsatay waxaa ku jiray labo maxbuus oo dhawaan lagu qabtay Garacad, kuwaas oo ka mid ahaa Burcad-badeeddii ka degtay markabkii Turkiga ee Lutuf.

Puntland ayaa weli ka hadlin baxsashada maxaabiista Burcad-badeedda, iyada oo warar is khilaafsan ka soo baxayaan sababta keentay.

Puntland waxay hore maxaabiista lagu qabtay markabka SIBU 1 ugu sheegtay 46, balse markii maanta la keenay Garacad waxaa warar madax banaan xaqiijiyeen in ay ahaayeen 21 xubnood.

Markabka SIBU 1 waxaa shalay wada furtay maleeshiyaad Ciraaqi ah oo ka socday shirkadda leh markabka iyo ciidamada badda Puntland ee PMPF.

PUNTLAND POST