
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland oo maanta fadhi ku yeelatay magaalada Boosaaso ayaa soo saartay xukuno isugu jira dil iyo xabsi.
Maxkamadda waxay xukun dil ah ku riday Cabdirisaaq Saleebaan Cabdi oo ku eedeysan dilka marxuum Yoonis Xasan Ibraahim.
Sidoo kale maxkamaddu waxay Cabdirisaaq Maxamed Maxamed (Jon Wizki) iyo Maxamed Cabdiqaadir Axmed (Jon Canada) oo maqane ah ku xukuntay afar sano oo xarig ah, kuwaas oo lagu eedeeyay xayaysiinta, gadista iyo cabista maandooriyaha khamriga.
Maxkamaddu waxay xukuntay in hawada laga saaro akoonada aalada TikTok ay ku lahaayeen labada eedeysane, kuwaas oo ay ku qorn yihiin magacyada Jon Wizki iyo Jon Canada.
Eedeysanayaasha xukunnada lagu diray waxaa u furan in ay racfaan u qaataan maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.
PUNTLAND POST