
Puntland ayaa maanta xoog ku furatay markabka MT SIBU 1 oo ay koox Burcad-badeedda ah haysatay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda.
Howlgalka lagu furtay markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa ka dhacay beebaha gobolka Mudug, waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ay la kulmeen kooxda Burcad-badeedda sida ay sheegtay Puntland.
Howlgalka waxaa fuliyay ciidamada badda Puntland ee PMPF, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay xeebaha ka waday howlgal ka dhan ah Burcad-badeedda.
Markabka SIBU 1 oo ah kuwa shidaalka qaada waxaa 20 bishii la soo dhaafay ee Agoosto laga soo afduubtay xeebaha dalka Yemen, wuxuuna ku gooshayay calanka dalka Eleteriya.
PUNTLAND POST