Wafdi ka socday ciidanka cirka Pakistan oo ka dhoofay garoonka Aadan Cadde

Wafdi sare oo ka socday ciidanka cirka Pakistan (Pakistan Air Force – PAF) ayaa dib ugu laabtay Islamabad, kaddib markii ay soo gabagabeeyeen booqasho ay shan maalmood ku joogeen magaalada Muqdisho.

Intii ay booqashadu socotay, wafdigu wuxuu kulamo la yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaanka ciidanka cirka Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidanka cirka Soomaaliya, kobcinta awoodaha hay’adeed iyo xirfadeed, iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Labada dhinac ay isla qaatay sii wadidda wada-shaqaynta iyo taageerada qorshayaasha horumarineed ee ciidanka cirka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, oo uu weheliyo taliyaha taliska howlgallada wadajirka ah, Gen. Maxamed Cali Bariise, ayaa wafdiga ka sagootiyey garoonka Aadan Cadde.

PUNTLAND POST