
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay shir madaxeedka guud ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa kulan la yeeshay dhaxal-sugaha dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait u leeyahay labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka.
PUNTLAND POST