Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirrada Puntland?

Golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta yeeshay shirkoodii todobaad laha, kaas oo shir guddoomiyayay ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Shirka waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin amniga Puntland, xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta deegannada Puntland iyo roobabka dayrta.

Wasaaradda amniga ayaa golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan amniga guud ee Puntland iyo warbixin ku saabsan howlgallo ka socda Calmiskaad oo ka dhan ah argagixisada Daacish & duqeymo dhawaan ka dhacay buuraleyda Calmiskaad, kuwaas oo ay iskaashadeen Puntland iyo Maraykanka.

Puntland ayaa sheegay in meelihii ay dhaceen duqeymihii Calmadow ee ku sugnaayeen Al-shabaab ay ka howlgaleen ciidamada Puntland.

Puntland waxay xustay in deegaannadeeda ay ka jirto abaar saameysay dad iyo duunto, islamarkaana ay dowladdu wado dadaallo looga jawaabayo xaaladdaas bini’aadanimo.

Dhanka kale Puntland waxay sheegtay in ay si dhameystiran ugu diyaargarowday roobabka dayrta (Elnino), kuwaas oo sanadka la saadaalinaayo in ay yihiin kuwo xoogan.

PUNTLAND POST