Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay kaaliyaha arrimaha Afrika ee Maraykanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee arrimaha Afrika Frank Garcia.

Kulan waxaa looga hadlay iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac iyo danaha ay wadaagaan, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada kala duwan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.

PUNTLAND POST