Baarlamaanka oo laalay qaraar uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse, kaas oo la xiriiray agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha dowladda.

Qaraarka Ra’iisul Wasaare Xamse oo ahaa in tartan furan loo galo agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha dowladda waxaa u codeeyay in la laalo 136 xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena laba xildhibaan ayaa ka aamustay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan faray wasiirrada, guddiga shaqaalaha rayidka iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in 20 Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta shaqaalaha, gaar ahaan xilalka agaasime waaxeedyada oo lagu buuxiyo hannaan tartan furan.

Mudane Xamse wuxuu xillugaas sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, islamarkaana dhammaan shaqaalaha la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan shaqooyinka dowladda.

PUNTLAND POST