Xamaaliga iyo gaadiidleyda daabulka qaata ayaa maanta sameeyay banaanbax ay kaga cabanayaan shirkadda DP World ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso.
Xamaaliga ayaa ayaa sheegay in saaka loo diiday in ay galaan gudaha dekedda, iyaga oo tilmaamay in loo sheegay in aysan shaqaynayn kaararkooda shaqaalenimo oo dhawaan shirkaddu u samaysay.
Waxay intaas ku dareen in hore kaararka aqoonsiga looga qaatay lacag gaaraysa $14 doolar qofkiiba, balse aysan ku helin xuquuq dheeraad ah iyo daryeel.
Sidoo kale gaadiidleyda daabulka dekedda ka qaada ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay lacago dheeri ah oo ay ku soo rogtay shirkadda PD World iyo waqtiga & shaqooyinkii ay qaban jireen oo la dhimay.
Cabashada xoogsatada dekedda Boosaaso ayaa ku soo aadaysa, xilli dhawaan ay ganacsatada Boosaaso cabasho ka muujisay shirkadda DP World.
PUNTLAND POST