
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay shirka Qaramada Midoobay oo maanta ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ku soo bandhigaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaa dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaa mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay, magaalada New York ee dalka Mareykanka”.
“Madaxweynaha ayaa madasha Golaha Guud ku soo bandhigaya horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadli doona mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah” ayaa la raaciyay.
PUNTLAND POST