
Garoowe (Faallo PP) — Cabdi Aadan Xooshow, oo ka mid ah ka qeybgalayaasha kulan ay Xarunta Cilmibaarista Horumarinta ee Puntland (PDRC) ay abaabushay, ayaa fursadda la siiyay u adeegsaday inuu alooso weerar siyaasadeed afka ah oo ka dhan ah beelo Soomaaliyeed. Waxaa u jawaabtay Xaliimo Yarey, oo mar ahayd Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya.
Xooshow wuxuu tusaale u soo qaatay Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo aan u nuglayn in lagu soo qaado “weerar diyaaradaha is wada ah” halka Taliye Mahad Shubka (taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta ahna soddogga Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed) uu ku sigtay inuu ku nafwaayo weerar noocaas ah oo ka dhacay Doolow dhowaan.

Labo sano ka hor (2024), markii uu socday caleemasaarkii Madaxweyne Deni, Laftagareen wuxuu ugu baaqay Deni inuu ku soo noqdo Golaha Wadatashiga Qaran oo Puntland ay ka baxday sanadkii 2023kii. Laftagareen wuxuu ahaa siyaasi aad ugu dhowaa Villa Somalia si la mid ah sida Jubaland ugu dhoweyd, ka hor inta labada maamul aysan ka hor imanin qorshihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonaysay inay kaalin ku yeelato jaangoynta hababka doorashada heer madaxweyne ee labada maamul.
Xooshow wuxuu soo qaatay tusaale aan ku habbooneyn goobta oo ah in beeshiisu si nabad ah ugu nooshahay Puntland. Waajib gudasho ma mudna amaan. Xooshow wuxuu illowsan yahay kaalintii Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Caliyow ku lahaa isbahaysigii SNA oo uu Jeneraal Caydiid hoggaaminayay. Kaalintii Caliyow kama yarayn kaalintii Axmed Cumar Jees, oo mar ahaa hoggaamiyihii ururkii SPM.

Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle wixii ka dambeeyay 1990kii, sida beelaha hubeysan, waxay leeyihiin taariikh dhibbane iyo taariikh dhibaateeye labadaba. Digil iyo Mirifle waa beel hubeysan; kama mid aha beelaha loo yaqaanno Kuwa Kale (Others).
Waxaa wax laga xumaado ah in Xarunta Cilmibaarista Horumarinta ee Puntland ( PDRC) hadda loo ekeysiiyay madasha isku dirka beelaha Soomaalida. Wadaaddada ka hadlay kulanka PDRC ay abaabushay ku saabsan u nuglaanta burburka qarannimo, waxay sheegeen in siyaasiyiintu ka faa’iidaan isku dirka iyo kala fogeynta Soomaalida.

Mabda’ ka mid mabaadii’da lagu dhisay Puntland waa mid dagaalkii sokeeye u arka “raad arooryo dib looma raaco.” Sumcaddaas Puntland lahayd waxaa lagu waxyeelleeyay shirka ay PDRC abaabushay.
Haddii siyaasiyiintu doonayaan meel ay ku nafisaan oo cuqdadaha haya ku soo bandhigaan, waa inay la doontaan goobo kale oo si habsami leh loogu fadhi-ku-diriri karo. Waa in PDRC raalligelin ka bixiso aflagaaddada beelo Soomaaliyeed loogu geystay kulan ay abaabushay hay’addu. Duqa Magaalada Garoowana sidoo kale.
© Puntland Post, 2026