
Puntland ayaa saaka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku qabatay labo gaari oo siday ciidan ay dowladda Federaalka ka qoratay koonfurta gobolka Mudug.
Ciidanka oo ka soo talaabay dhanka Galmudug ayaa la sheegay in ay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, balse ay jihadu ka luntay oo sidaas ku qabatay Puntland.
Labada gaari ayaa la sheegay in midkiiba ay saarnaayeen ku dhawaad 50 qof, waxaana wasirro iyo muuqaallo laga duubay lagu baahiyay baraha bulshada.
Puntland weli wax war ah oo rasmi ah kama saarin ciidanka iyo gaadiidka ay qabatay, balse waxaa la filayaa in ay saacadaha soo socdo ka hadasho.
PUNTLAND POST