
Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in la qabtay Sakariye Cabdiqaadir Xirsi oo ku eedeysan in uu habeen hore dilay marxuum Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf, dilkaas oo ka dhacay deegaanka Tuulo-Xabiibo ee gobolka Mudug.
Booliska Mudug wuxuu sheegay in eedeysanaha laga soo qabtay deegaanka Dudun oo ka tirsan gobolka Doollo ee ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa la tilmaamay in ay ka qayb qaateen ehellada eedeysanaha iyo ciidamada ammaanka gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale waxaa weli lagu guuleysan qabashada ciddii dishay ganacsade Sheekh Axmed Yuusuf Faarax (Haamay), kaas oo 8-dii bishan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Gobolka Mudug waxaa muddooyinkii dambe ku soo ku soo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo sababay dilka dad badan oo waxgarad ah.
PUNTLAND POST