Labo wariye oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa saacadihii la soo dhaafay geeriyooday Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) iyo Xasan Kaafi Cabdiraxmaan (Qoyste), kuwaas oo ahaa labo wariye oo muddo u soo shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Wariye Boqorka Bartamaha ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, kaddib dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar uu nin Soomaali ah toorri ugu dhuftay.

Dhanka kale kale wariye Xasan Kaafi Qoyste oo muddo dheer ka soo shaqaynayay warbaahinta gudaha iyo midda dibada ayaa saaka si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Bahda saxaafadda Soomaalida iyo qaar kamid ah madaxda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida labada wariye.

PUNTLAND POST