
Dawladda Jabuuti ayaa markale ku celisay in aysan oggolayn in saldhigyada milateri ee ku yaalla dalkeeda laga weeraro Xuutiyiinta Yemen.
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa hadalkan u sheegay BBC-da, isaga oo ka jawaabayay su’aal la weyddiiyay oo ahayd in Jabuuti dib uga fiirsatay diidmadii hore kaddib codsi uga yimid Maraykanka oo ahaa in ciidammada Maraykanku isticmaalaan xarumaha millitari ee Jabuuti si ay u weeraraan Xuutiyiinta.
Wasiir Dawaale wuxuu sheegay in Jabuuti aanay doonayn in ay si millitari ah ugu lug yeelato colaadda Yemen, islamarkaana ay rabto in dagaalka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee Yemen uu ku ekaado gudaha dalkooda.
Jabuuti ayaa aad ugu dhow Baabul-Mandab oo ah marin dhanka badda ah oo isku xira ganacsiga Aasiya, Yurub iyo Afrika, kaas oo dhawaan ay qabsadeen Xuutiyiinta Yemen.
PUNTLAND POST