Puntland oo gargaar gaarsiisay Dhinowda

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa deegaanka Dhinowda oo ka tirsan degamada Jariiban ee gobolka Mudug gaarsiiyay gargaar kala duwan oo ay bixisay dowladda.

Ilaa 200 oo qoys oo ku nool deegaanka Dhinowda ayaa la siiyay gargaar ka kooban raashin iyo kaarar lacag ah oo ay bixisay dawladda Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa gargaar kaas mid la mid ah u dirtay degmada Towfiiq iyo deegaannada hoostaga.

Degmada Towfiiq iyo deegaanka Dhinowda oo ah cirifka koonfureed ee Puntland waxaa ka jira dhibaatooyin ay sababtay isbaddelka cimilada, kuwaas oo ay mid yihiin baxaad iyo abaaro.

Towfiiq iyo Dhinowda waxay ka mid ahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug oo uu dhawaan booqday madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND POST