
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta faray dhammaan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta oo ku saleysan tartan furan.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda in 20 Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta shaqaalaha, gaar ahaan xilalka agaasime waaxeedyada oo lagu buuxinayo hannaan tartan furan.
Mudane Xamse ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, islamarkaana dhammaan shaqaalaha la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan shaqooyinka dowladda.
PUNTLAND POST