Xamse: Ma siyaasadeyno dhaqaalaha aan siino dowlad goboleedyada

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan siyaasadeyn dhaqaalaha ay siiso dowlad goboleedyada, isaga oo xusay in sanadkii tagey ee 2025 uu ahaa kii dhaqaalaha ugu badan la siiyay.

“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad goboleedyada. Sanadkii 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyay dowlad goboleedyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadkii 2025, taas oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa yimid, iyada oo Puntland mararka qaarkood ku eedeyso Dowladda Federaalka in ay siyaasadeyso dhaqaalaha caalamku siiyo Soomaaliya.

PUNTLAND POST