Maraykanka oo safiir cusub u magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa safiir rasmi ah u magacaabay Soomaaliya, kaas oo baddelaya safiirkii hore Richard H. Riley oo xilka laga qaaday Diseembar 2025.

Devin Kennington ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Muqdisho, kaas oo ah diblomaasi hore uga soo shaqeeyay safaaradda Maraykanka ee Jabuuti.

Danjire Devin Kennington ayaa ka mid ahaa liis magacaabis safiirro cusub ah oo madaxweyne Donald Trump shalay u gudbiyay Aqalka Sare ee Maraykanka, kuwaas oo u baahan ansixin.

Magacaabista safiirka cusub ee Maraykanka waxay ku soo aaday, xilli Soomaaliya ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka, taas oo Maraykanka doonayo in uu doorweyn ku yeesho xal u helideeda.

PUNTLAND POST