
Mahadka Hudson ee dalka Maraykanka ayaa madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro wax ka weydiiyay xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeeya maamulkiisa & Puntland.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland leeyihiin xiriir dhow, islamarkaana iska kaashadaan khataraha amni oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeedda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka shaqeeyeen oo fureen isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Puntland iyo Somaliland oo uu xiray dagaalkii Laascaanood.
Madaxweyne Cirro ayaa tilmaamay ay dhiseen guddi labada dhinac ah, kuwaas oo ilaa hadda labo jeer ku kulmay magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa.
PUNTLAND POST