Sheekh Khaakir oo laga reebay doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa ururka Towfiiq ee hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir ka reebay doorashada celiska ah ee maamulka Galmudug, taas oo lagu wado in ay dhacdo 30 bishan Sebteembar.

Guddiga ayaa shaaciyay 12 urur oo ku tartamaya doorashada ku celiska ah ee Galmudug, waxaana liiska ururrada aan ka soo muuqan ururka Towfiiq ee Sheekh Shaakir oo taageero badan ku leh deegaannada Galmudug.

Ururka Towfiiq oo ahaa ururkii dacwada ka gudbiyay doorashadii la laalay ee Galmudug ayaa weli ka hadlin sababta looga reebay tartanka ku celiska ah.

PUNTLAND POST