
Puntland ayaa maanta saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqan ku xayirtay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo la sheegay in ay u socdeen magaalada Muqdisho.
Puntland waxay xirtay labo sarkaal oo ka mid ah ciidamadii federaalka ee dhawaan dowladdu kula wareegtay deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo iyo sidoo kale agaasimihii isbitaalka lafaha ee Carmo Cabdiqaadir Xaaji Cabdullaahi (Waraabe).
Waxaa kale oo garoonka lagu xayiray balse markii dambe la siidaayay Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi oo ka mid ah isimada gobolka Bari.
Suldaanka oo dhacdadan ka hadlay wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo siidaayo ragga la xiray, isaga oo xusay in ay u safrayeen danahooda gaarka ah, islamarkaana ay xaq u leeyihiin.
Puntland ayaa weli ka hadlin xariga iyo xanibaada ka dhacday garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyada oo ay ka gaabsadeen saraakiil ay dhacdadan wax ka waydiisay Puntland Post.
PUNTLAND POST