
Deegaanka xeebeedka Maraya oo hoostaga degmada Eyl waxaa ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Turkiga oo lagu eedeeyay in ay dishay 13 qof oo ka mid ahaa kalluumeysata xeebaha gobolka Nugaal.
Bannaanbaxyaasha ayaa dab qabadsiiyay calanka dalka Turkiga, iyaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan bannaanbaxyada haddii aan xukuumadda Ankara magdhow ka bixin dadkii la laayay iyo hantidoodii.
Bannaanbaxa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Food-cade), guddoomiye ku-xigeenka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer iyo Gen. Muxyadiin Axmed Muuse.
Bannaanbaxan wuxuu ku soo aaday, xilli dhawaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ciidamada badda Turkiga ay 13 qof oo Burcad-badeed ah ku dileen xeebah gobolka Nugaal.







PUNTLAND POST